Condensed Knowledge for the Intellectual.

Xeeladaha Waxsoosaar ee 7 Maalqabeen, 13 Ciyaartoy Xiddigo ah iyo 239 Hal-abuurayaal Ganacsi…
15 SIROOD EE MAAMULIDDA WAQTIGA

Waxaa jiray nin iibin jiray buufinta caruurta. Markii iibsashada buufintu hoos u dhacdo, wuxuu buufin jiray mid ka mid ah, ka dibna hawada ayuu ku siidayn jiray si ay caruurtu u arkaan oo ay waalidkood uga codsadaan in ay buufin u soo iibiyaan. Maalintii dambe ayaa wiil yar u yimid ninkii buufinta gadayay waxa uuna ku yiri ―adeer hadii buufin madow la buufiyo hawada ma u gali kartaa sida mida buluuga ah ay hawada ugu kacday?‖ Ninkii waxa uu yiri ― adeer waxa hawada galinaya ma ahan midabkeeda ee waa hawada gudeheeda ku jirta‖ Qofku waxa uu meel sare ku gaaraa ma ahan shahaadada uu haysto ama aqoonta uu bartay balse waxa uu meel sare ku gaaraa waa dhaqanka, xeeladaha, siraha, xirfadaha iyo xikmadaha uu hantiyey. Buugaan wuxuu soo koobayaa 15 sirood ee dadka guulaystay ka ogyihiin maareynta waqtiga. Waqtigu waa hantida ugu qaalisan, uguna yar ee dunida taala. Haddii aadan ku mashquulsanayn ka shaqaynta iyo u adeegsiga waqtigaaga hadafyo aad leedahay, waxaad ka shaqayn doontaa, waqtigaagana u isticmaali doontaa hirgalinta iyo rumeynta hadafyo qofka kale leeyahay. Haddii aad eryatid ama cayrsatid labo bakayle midna qaban maysid, oo loo la jeedo, haddii aadan waqtigaaga kala qorsheyn oo aadan u adeegsan kaliya waxa muhiimka ah, guul gaari maysid. Dadka dunida qaabeeya ee hormarka sare gaaray, waxay yiraahdaan ‗MAYA‘ shay kasta oo aan taageereyn hadafka ay hiigsanayaan. ‗Diiradsaariddu waa dhihidda MAYA‘ – Steve Jobs.
Awoodda Tirsiga 1, 440
Ma badali karaa noloshaada oo dhan hal nambar? 1,440 waa tiradda daqiiqadaha ku jira halkii maalin. Dadka guulaystay waxay kaga duwan yihiin dadka aan wali guul xaqiijin sida ay u arkaan waqtigooda. Dadka waxqabadka sare leh (High Performance People) waxay dib u gataan waqtooda ayagoo hawlaha aan waqtigooda u qalmin u dhiiba cid kale oo ku haboon oo qaban karta. Waxayna raacaan qaacidada oranaysa ‗inta 100% dadaal iyo waqti ah aad bixin lahayd, waxaa ka fiican in aad hesho ama iibsato 1% dadaalka iyo waqtiga 100 qofood (shaqsi)‘ Dadka guulaha sare xaqiijiyey waxay aad u yaqaanaan qiimaha waqtigooda. Waxayna la dagaalamaan wax kasta oo hoos u dhigaya qiimaha waqtigooda. Waxay waqtooda u adeegsadaan kaliya hawlaha u baahan kartidooda hal-abuur iyo hibooyinkooda. Dadka qaabeeya dunida ee hormarka sare gaaray, waxay maalin kasta kobciyaan qiimaha ay leedahay daqiiqad kasta oo waqtigooda ka mid.
Sidee u kordhiyaan?

Waxay saacadahooda u adeegsadaan kaliya hawlaha ugu muhiimsan koritaankooda qofeed iyo koritaankooda waxsoosaar. Tusaale, koritaankooda qofeed, waxaa cilmi-baaris lagu ogaaday in maamulayaasha shirkadda waaweyn, celcelis ahaan bil walba ay aqriyaan 4 ilaa 5 buug si joogto. Warren Buffet oo ah maalqabeen maraynkan ah, ahna ganacsadaha ugu horeeya xaga maalgashiga caalamka, wuxuu maalin kasta aqriyaa 500 oo bog oo qiyaas ahaan u dhiganta 2 buug maalintiiba.
Diyaar ma utahay oo ma xiiseneysaa qeebta xigta

1 Comments

Post a Comment

Previous Post Next Post